Barkhad: Taksiile oo hore oo u sharaxan Abaal marinta OSCAR

images (2)Inkastoo ay dhib badantahay wadada loo maro sida magac loo helo iyo Caanimada, laakiin mararka qaar Nasiibka ayaa kugu saacida inaad gaarto wadadaas adigoo wax qorshe ah samaynin, taas waxaa daliil cad kuugu filan muwaadinka Soomaaliyeed Barkhad Cabdi, oo horay wade Taksiile ka ahaa wadooyinka New York, laakiin wuxuu gudaha ka dareemay inuu yahay Fanaan ku fiican jilista Filimada.

Barkhad waxa uu kamid noqday Aktaradii matalayay Filim yar oo laga sameeyay Burcadbadeeda wadanka uu kasoo jeedo ee Soomaaliya, waxaana u timid fursadii uu ku noqon lahaa nin Caan ah, kadib markii uu qaabilay Aktarka weyn ee Tom Haynks, ka gadaal markii uu ku guuleystay dhowr tijaabo si uu qeyb uga n0oqdo aktarada wax ka matalaya Filimka “ ” Captain Phillips”.

Barkhad Cabdi, waxa uu Filimka ku matalayay magaca “Muusa” waxaana uu ahaa madaxa kooxda Burcad-badeeda.

Barkhad waxa uu si wanaagsan uga soo baxay matalaada qeybtii uu ku lahaa Filimka, taas ayaana u suurto galisay inuu qeyb ka noqdo Aktaradii sanadkaan ku guuleysatay Abaal marinta weyn ee laga bixiyo dalka Ingiriiska “BAFTA”, laakiin taas waxaa kasii weyn kana muhiimsan Abaalmarinta ugu weyn ee dhanka Filimada “OSCAR”, taasoo ay ku tartamayaan Aktarada dunida ugu caansan Barkhadna qeyb ayuu ka yahay Sanadkaan.

Sidaas darteed Barkhad Cabdi, waxa uu noqday Taksiile isku badalay Nin Caan ka ah Dunidan Guudkeeda, waxaana u rajeeyneeynaa Guul iyo Horumar intaan kasii weyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here