Barcelona oo Ter Stegen heshiis la gashay

 

Barcelona oo Ter Stegen heshiis la gashay
Barcelona oo Ter Stegen heshiis la gashay

Barcelona ayaa heshiis la gaartay kooxda Jermalka ee Borussia Monchengladbach kaddib markii la shaaciyay in ay la soo wareegi doonto goolhaye Marc-Andre ter Stegen, kaasoo si xor ah kooxda uga tagaya.

Cayaaryahanka ayaa lagu qiimeeyay lacagta lagala baxayof €9-12 million oo lagu daray labo cayaar oo saaxibtinimo siddaas waxaa shaaciyay bogga Goal.

Naadiga Blaugrana ayaa suuqa ka raadineysay goolhaye csub kaddib markii Victor Valdes uu shaaciyay in uu ka tagaaayo kooxda marka uu dhammaado xilli cayaareedkan 2013-14.

Cayaaryahanka reer Jermal ayaa saxiixay heshiis uu kula joogayo Catalans-ka tan iyo sannadka  2019-ka

Goolhaye Ter Stegen ayaa ka mid ahaa cayaartoydii ka soo baxday xarunta tababarka BMG, wuxuuna u saftay kooxda 100 cayaar oo ah horiyaalka Bundesliga wuxuuna jabiyay rikoor sannadkii 2010-11.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here