Barcelona oo si xun uga badisay Sevilla

Kooxda Barcelona ayaa si layaab leh uga soo kabsatay 2-1 oo ay ciyaarta kaga hogaamineysay naadiga Sevilla, isla markaana inteey iska soo bareejeysay ay uga badisay 3-2.

Kulanki xalay oo ay Barca marti ku aheyd garoonka Ramon Sanchez Pizjuan ee magaalada Sevill waxa uu calaamad u noqday sida ay Barcelona sanadkaan uga go,antahay in ay koobab qaado gaar ahaan kan Spain maadaama aanan marnaba laga badin dhamaan kulamadi ay ciyaartay xilli ciyaareedkan.

Inkastoo bilowgi ciyaarta ay ku gacansareysay kooxda reer Catalan hadana waxaa ka yaabsaday Sevilla kadib marki uu gool ka dhaliyey Piotr Trochowski daqiiqadi 26-aad, taasi waxay kalsooni ku beertay martigeliyaasha waxaana goolkoodi labaad u saxiixay Alvaro Negredo gelinki labaad.

Laakin Barcelona isma dhigan oo dib ayey u dagaalantay waxaana dhalinyarada macalin Tito Vilanova gool u dhaliyey Cesc Fabregas ciyaarta oo mareysa 53 daqiiqo intaasi kadib Sevilla waxay noqdeen 10 ciyaaryahan maxaa yeelay waxaa kaarka cas la siiyey Gary Medel ciyaarta oo ay ka dhinneyd 20 daqiiqo.

Barca dadaalkeedi ayey sii waday waxaana goolal badan oo ay siktay kadib shabaqa soo taabtay mar kale Fabregas, halka goolka guushana uu keenay David Villa kaasi oo taageerayaasha u suura geliyey in ay arkaan guushoodi lixaad lxidi kulan ee ay ka ciyaareen horyaalka Spain ee La Liga xilli ciyaareedkan.

Barcelona hada 4 buundo oo nadiif kooxda kusoo xigta ee Malaga, halka Sevilla ay u dhacday booska shanaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here