Barcelona oo si la yaab leh ugu dhaqaaqday Saxiixa Isco

 

Heshiiska uu Isco kula jiro kooxdiisa Real Madrid ayaa waxaa ka harsan 18 Bilood oo qura, sidaas darteed Kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Barcelona ayaa dooneysa ineey lasoo wareegto si uu badal ugu noqdo xidiga gabalkiisa sii dhacayo ee Iniesta.

Sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Catalonia Barcelona ayaa si la yaableh ugu dhaqaaqi doonta Isco marka uu dhamaado qandaraaskiisa Real Madrid.

nintchdbpict000283525600-e1480159667229

 

Sidoo kale Wargeyska Mundo Deportivo ayaa daabacay in Barcelona ay sugi doonto ilaa inta uu ka dhamaanayo qandaraaska Isco kadibna ay kusoo qaadan doonaan si Bilaash ah.

Barcelona ayaa dooneysa ineey ka aarsato Real Madrid oo sanadkii 2000 kala soo wareegtay Luis Figo, kaasoo kamid ahaa xidigihii ay Barca ku duuleysay xiligaas.

Isco, oo aan kamid ahayn qorshaha Zidane, ayaa kullamadii ugu dambeeyay jaanis helay waxaana uu si aad ah isugu muujiyay kulankii Ateltico Madrid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here