Barcelona oo muddo bil ah uu ka maqnaan doono difaacooda Puyol

Kooxda Blaugrana ayaa tabi doonta difaaceeda kabtanka ah Carles Puyol, oo muddo bil ah garoomada ka maqnaan doona kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray Lowga ama Jilibka.

Sida lagu sheegay warbixin la soo dhigay barta Internetka ay ku lee dahay Barca ciyaaryahanka ayaa 45-maalin garoomada ka maqnaan doona waxaana ka mid ah kulanka Katalaaniga ay la lee dahay quarterfinal-ka Champions League ay lee dahay Paris Saint-Germain.

Puyol ayaa ku dhaawacmay kulankii guusha ay ka gaareen kooxda AC Milan salaasadii horre, balse macalinka kooxda, Spain coach Vicente Del Bosque weli go’aan kama gaarin kulanka xulka uu la lee yahay is-reebreebka tartanka koobka adduunka oo ay lee yihiin waddamada France iyo Finland.

33-jirkan Puyol ayaa dhawaan saxiixay seddax sanno oo heshiis ah cusub oo kula joogayo garoonka Camp Nou.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here