Barcelona oo Milan u diiday Alexis Sanchez

Kooxda Barcelona ayaa ku gacan seyrtay dalab uga yimid kooxda AC Milan oo ka codsatay in ay ka iibiso weeraryahanka la yiraahdo Alexis Sanchez.

Boga internetka ee Goal.com ayaa sheegay inuu ogaaday in Barca ay u sheegtay AC Milan in laacibkooda afka uusan iib aheyn isla markaana meelna uga socon.

Kooxda Rossoneri ayaa baadi goob ugu jirto badalka weeraryahankeedi hore Zlatan Ibrahimovic oo ay todobaadki hore ka iibisay kooxda Paris Saint-Germain, waxaana ay isku dayeysaa in ay kaa iibsato ama ay heshiis amaah ah uga qaadato Zanches kooxda Barca.

Alexis oo ah 23 jir u dhashay dalka Chile ayaa ku biiray kooxda Barcelona sanadko 2011 markaas oo uu ka tagay naadiga Udinese ee dalka Talyaaniga, waxa uu u saxiixay xilli ciyaareedki lasoo dhaafay 12 gool 25 kulan oo uu saftay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here