Barcelona Oo Heshiis Lagashay Xidiga Reer Brazil Ee Neymar

Kooxda Kubadda cagta Barcelona ayaa ugu danbeyntii waxa ay heshiis lagashay xidiga uciyaara naadiga Santos ee Neymar,Barcelona ayaa dhiibi doonta aduun lacageed gaaraya ilaa 60 Million oo Euro.

Neymar ayaa in mudo ahba waxa uu bartilmaameed u ahaa milkiilaha naadiga Barca ee Sandro Rossel,balse hada sida lagu qoray bogga ay Barca kuleedahay Internetka waxaa lagu sheegay in lasoo xiray heshiiska uu Neymar ku imaanayo Camp New.

Kaliya hada waxaa haray waa heshiiska shaqsiga ah ee Neymar uu lagali lahaa Barca labada naadi ayaa isla af gartay in neymaar uu santos ku dhameysto xili ciyaareedkan, waxaana uu Barcelona kusoo biiri doonaa 2013-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here