Barcelona oo guul daro kale loo xariiqay iyo Bayern oo isku diyaarineysa Wembley

Kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa ku kulmi doona ciyaarta kama dambeesta ee tartanka kooxaha qaarada Yurub UEFA Champions League final, kaddib markii xaley guul daro kale ay ku dharbaaxday kooxda Spain Barcelona.

Kooxda Barce isku gayn labada ciyaar waxa laga dhaliyay 7-gool waana guul daro iyo taarikh diiwaanga u gashay kooxaha Jermalka sannadkan 2013-ka.

Si kastaba naadiga ku guulaystay horiyaalka Bundesliga ayaa horrey 4- iyo 0 lugta horrre ku soo badiyay garoonka Allianz Arena ee dalka Jermalka.

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa xaley keydka la galiyay oo ciyaarta laguma soo billaabin, kooxda Barca waxaa goolasha ka dhaliyay Arjen Robben, Thomas Muller iyo gool uu iska dhaliyay Gerard Pique oo ku wareeray ciyaartii xaley.

Waa markii ugu horreysay taarikhda oo guul daro sidan u xanuun badan ay soo gaarto kooxda Barca, laakin waa ay dhacday.

Bayern waxa ay isku diyaarineysa Dortmund oo ay isku arki doonaan ciyaarta finaal-ka, horrey ayey xilli ciyaareedkan labo jeer u soo garaacday, laakin lama oga wax yaabaha ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here