Barcelona oo Garaacdey Real-Madrid kulankii 1-aad Ee Finalka (Daawo Sawirro)

Iyadoo xili ciyaareedkii aynu soo dhaafney ee 2011/12 uu Realmadrid u ahaa waqti u fiican oo ay qaadeen horyaalkii La liga weliba dhibco aad u badan kaga guuleysteen FC Barcelona oo tartan kula jirety ayaan hadana weli muuqanin waxa keliya ee uu Mourinho ku abaabiyo ciidankiisa ee ah inay si xarako leh u legdaan oo ay ka badiyaan Barcelona,si kastaba guushu ha ku timaadee.

Macalin mourinho oo inta badan jecel inuu saxaafadda kasoo muuqdo ayaa labadii xili ciyaareed ee uu joogey Madrid isbedel sameeyey laakiin baahida uu qabey ayaan ku filneyn in horyaal, iyo Copka boqorka uu sanadihii lasoo dhaafey ku samro,waxaana ugala weyn inuu garaaco Barcelona si awood muuqata iyo inuu qaado Uefa Champions League oo horey 2 koox oo kala duwan uu usoo qaadey.

Marka dhab ahaan la eego kubadda cagta Spain saameyn ayuu ku leeyahay,sababtoo ah waxaa aad u xiiso batey kulanka ElClassico loogu yeero ee ay Barcelona kula dagaalamayaan tartamada gudaha ,inkastoo laga guulo badan yahay tan iyo markii isaga uu qabtey xilka ee Barca uu la dheeley.

Xaley labada kooxood waxay ku kulmeen lugta 1-aad ee Spanish Super Cup taasi oo lagu ciyaarey garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou,waa la buun buuniyey ka hore ciyaarta dad badan ayaa ka hadley oo isugu jira tababarayaal iyo ciyaartoy ama taageere qofba qiyaas ayuu bixiyey sidii ay la ahayd, balse maxaa dhacay!!!

Ciyaaryahanada Pedro, Lionel Messi and Xavi ayaa sadex gool oo ay dhaliyeen jawaab kaga dhigey gool uu qeybtii danbe ee ciyaarta madax ugu dhaliyey Realmadrid xidigeeda C.Ronaldo oo dabaal degiisa wax ka yar daqiiqad Pedro ka dhigey hal bacaad lagu lisey.

Ciyaaryahanka Injineer Andres Iniesta ayaa kooxdiisa u sahley Rigoore,markii daafaca birta ah ee Ramos uu ku jalaafey gudaha xerada ganaaxa,waxaana Goolk u sarifey Lionel Messi oo ah xidiga aduunka waxayna ahayd daqiiqadii 70th iyo 2-1 oo barca ku hogaamineysey.

Sideed daqiiqo ka dib isla Injineer Iniesta ayaa kubad uu si xarako leh ula dhex jiirey daafacyadii dhiifoonaa ee Real wuxuu u dhigey isla Injineerka kale ee Xavi Hernandez, isagiina maba eegin halka uu goolka ka taagnaa goolhayaha xulka Spain ee Cassilas sideeda ayuu u raaciyey waxayna ahaatey 3-1 oo Barca ku hogaamineyso iyo 78 daqiiqo.

Wixii xiligaa ka danbeeyey waxaa reer Madrid ay bilaabeen dadaal maadaama goolashu aad u badan yihiin xaaladuna rajo la”aan noqon karto marka tago Bernabue,laakiin waxaa neeftu kasoo go’dey markii goolhayihii Barcelona ee Valdes uu isku dayey in kubad la siiyey uu si qalad ah ugu hadiyadeeyey weeraryahan Di Maria oo bedel lagu keenay isagiina shabaqa oo cidlo ah, ayuu ku ridey kuabdiina doontey dhexdana soo dhigey ileyn waqti ma harin waana 3-2.

Kulanka sidaasi ayuu ku dhamaadey 3-2 oo Barcelona ay guusha xagoodu martey, su’aasha is weydiinta mudan ayaase ah, marka 29-ka bishan oo arbacada soo socota ku beegan mar kale leysugu tago garoonka caanka ah ee caasimadda ku yaala ee Santiago Bernabeu, maxaa dhici doona, RealMadrid ma keensan doontaa 1 gool keliya shabaqeedana ka ilaashan kartaa Messi, sanchez,Pedro iyo Iniesta? barcelonase ma iska difaaci doontaa gantaalaha weerar ee Ronaldo,Benzema,Higuan oo lagu darey guuxa taageerayaasha Madrid??








Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here