Barcelona oo afka ciidda loo daray

Barcelona oo afka ciidda loo daray
Barcelona oo afka ciidda loo daray

Kooxda Barca ayaa markii labaad laga adkaaday horyaalka Spain xilli cayaareedkan.

Guul-darradan soo gaartay Barcelona waa dhaawac weyn waxaana ay shaki weyn galineysaa in ay difaacato horyaalka Spain ee La Liga.

Barcelona ayaa rajo weyn ka lahayd bal in ay ku guuleesato uun horyaalka La Liga maadama laga ciribtiray horyaalka Yurub ee Champions League.

Weerar yahanka kooxda Granada Yacine Brahimi ayaa dhaliyay goolka kaliye ee lagu xasuuqay Barca, goolka ayaa dhashay qaybtii koowaad ee cayaarta.

Tababbarre Gerardo Martino ayaa ka walaacsan guul-darrada ka soo gaartay garoonka Estadio Nuevo Los Carmenes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here