Barcelona oo afka ciida ugu dartay Bernabeu kooxda Real Madrid

Kooxda Barcelona ayaa kooxda Real Madrid ugaga badisey labo gool iyo gool lugtii hore ee kulankii El Clasico ciyaar ka dhacday xalay garoonka Santiago Bernabbeu.

Real Madrid ayaa hogaanka ciyaarta qabatay  daqiiqadii 11aad ee ciyaarta markaasoo ay heleen kubad counter-attack ah waxana goolka u dhaliyey Ronaldo.

Goolkaasi Ronaldo uu dhaliyay ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta oo xiiso gaar ah laheyd, iyadoo mararka qaar ay Los Blancos daafac ciyaareysay, balse ay hogaanka hayeen.

Qeybtii labaad ayaa markii ay bilaabatay, waxaa goolka barbaraha heshay kooxda reer Catalan oo uu madax ugu dhaliyay kabtankooda Puyol, ka dib kooner uu soo tuuray Xavi daqiiqadii 49aad ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Eric Abidal ayaa goolka guusha shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 77aad ee ciyaarta iyadoo goolkaana uu ahaa goolkii labaad ee uu u dhaliyo kooxda Barcelona muddo afar sano iyo bar oo uu la joogay.

Barcelona ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee 7 kulan oo isku xigta oo ay booqdeen Santiago Bernabeu aan weli dhinacooda dhulka la dhigin.

Todobaadka soo socda ayaa labada kooxood ay ku kulmi doonan Camp Nou lugta labaad ee wareega 8da ee Copa del Rey iyadoo Barca ay heysato faa’ido weyn madaama ay guul soo gaareen iyagoo marti ah.

Real Madrid oo koobkan difaacaneysa ayaa haatan u baahan inay shaqo adag qabato hadii ay doonayaan inay sii difaacdaan Copa del Rey.