Barcelona oo 7 gool kaga badisay Rayo Vallecano

Kooxda Barcelona ayaa kula dul dhacday caradi ay kasoo qaaday ka harastii koobka Horyaalada Yurub iyo guuldaradi El Clasico naaiga Rayo Vallecano kadib marki ay 7-0 ku dar dartay kulan ka tirsanaa horyaalka Spain ee La Liga.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka  Campo de Futbol de Vallecas ayey Barcelona aad ugu gacan sareysay  waxaana aad uga dhex muuqday xidigooda Messi oo dhaliyey laba ka mid ah goolasha, halka uu dhiibay sadex kale.

Goolasha kalana waxa ay ka kala yimaadeen Pedro, Seydou Keita iyo Thiago Alcantara oo isagu marki uu goosha dhaliyey ciyaar jeesta ah ku hor ciyaaray taageerayaasha Rayo Vallecano oo aad uga carooday arrintaasi.

Horyaalka ayaa haatan waxaa ka harsan sadex kulan, waxaana Barcelona ay dib u dhigtay guusheedii xalay in Real Madrid ay u dabaal dagto hanashada maadaama ay u baahantahay hal guul oo kaliyah.

Hadii Barca xalay laga badin lahaa Real waxay qaadi laheyd horyaalka, waxaana goor hore oo shalay ah ay ku badisay afar gool oo uu mid ka mid ahaa dhaliyey Ronaldo oo haatan leh 43 gool, waxaa isna goolashaasi leh Messi oo gool dhalinta ku ciriirinayo Ronaldo.

Kulanka soo aadan Barca waxay booqan doontaa Malaga, halka Real ay is arki doonaan Athletic Bilbao hadii ay ka badisana way u dabaal dagi doontaa horyaalnimada Spain.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.