Barcelona iyo Realmadrid oo xalay guulo gaaray

Naadiga Barcelona ayaa waxaa u suurta gashay ineey guul 3/1 ah kaga adkaato dhigeeda Real Zaragosa.

Messi ayaa sidii looga bartayba waxa uu soo bandhigay ciyaar aad loo jecleeysto, waxa uuna dhaliyay labo kamid ah goolasha halka goolka 3aadna uu isaga baasay.

Ninka gaaban ee wata Nomberka 10-aad ayaa sidoo kale xalay sameeyay fursado kaloo aad ufarabadan waxa uuna ahaa xidiga garoonka.

 

Alex Song xidigii hore ee Arsenal ayaa isna xalay soo bandhigay ciyaar cajiib ah, sidokale Montaya iyo Alba ayaa iyagana laga xusi karaa ciyaaryahanadii xalay Barcelona ka dhexmuuqday, waxayna labadaan ciyaaryahan sabab u ahaayeen labada goo lee Leo Messi.

Dhanka kale kooxda difaacaneysa horyaalka Spain ee Realmadrid ayaa xalay gurigeeda ku xasuuqday naadiga Atletico Bilbou, Real ayaa ku adkaatay 5/1.

Ka dib gool uu iska dhaliyay Jon Aurtenetxe, Karim Benzema, Sergio Ramos, Mesut Ozil iyo Sami Khedria ayaa iyagana shabaqa u soo taabtay Los Blancos, iyadoo kooxda Real Madrid ay ka soo kabsaneyso sida liidatay ee ay ku bilaabatay horyaalka, waana guushoodii 7aad ee sideed kulan oo ay ciyaareen.

Real Madrid ayaa haatan 19 gool ka dhalisay Bilbao afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay soo booqdeen Bernabeu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here