Barcelona iyo Real Madrid oo laga yaabo in ay isugu soo haraan Champions League Fiinalkiisa

NYON, Switzerland : Waxaa maanta oo Jimco ah, magaalada NYON ee dalka Switzerland lagu sameeyay isku aadka wareega afarraad tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League semi-finals.

Sida la filayaa waxaa isku soo beegmay labo koox oo ka kala socda waddamada Spain iyo Gemany.

Kooxda horiyaalka Germalka heesata ee Bayern Munich waxa ay wajihi doontaa kooxda min afarta jeer ay kuwada guuleesteen tartankan Barcelona.

Kooxda Dortmund oo ka soo badisay kooxda Spain ee Málaga lugtii labaad tartanka kooxaha qaaradda heerkiisa quarter-finalka waxa ay hadda rabtaa in ay ku guuleesato markii ugu horreysay 15-sanoo kaddib.

Hal koob ayey kooxdan heesata, waxa ay isku soo beegmeen kooxda sagaalka jeer tartankan ku guuleestay ee Real Madrid.

Dhinaca kale, waxaa isna la sameeyay isku aadka wareeega afaraad tartanka labaad ee Yurub.

Kooxda Chelsea ayaa waxa ay isku dhici doonaan kooxda Basel ciyaaraha semi-finals ee tartanka Europa League.

Kooxda Horiyaalka Ingiriiska ka ciyaarta ee Premier League waxa ay dhinaceeda ka badisay kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedka hore ciyaarta kama dambeestat tartanka Champions League.

Kooxda Fenerbahce oo ka dhisan dalka Turkey waxa ay ka badisay oo 3 iyo 0 ku garaacday kooxda Talyaaniga ee Lazio 3-1, waxa ay isku soo beegmeen kooxda Portugal Benfica oo ay isku dhici doonaan semi-final.

Benfica waxa ay ka badisay kooxda Newcastle.

Haddaba waxa halkan hoose ku qoran sida la isugu soo beegmay labada koob ee qaaradda Yurub

Champions League semi-finals

Bayern Munich v Barcelona

Borussia Dortmund v Real Madrid

(Lugta horre ayaa la ciyaari doonaa April 23/24, halka lugta labaad la ciyaari doono April 30th/May 1)

Europa League semi-finals

Fenerbahce v Benfica

Basel v Chelsea

(Lugta horre ayaa la ciyaari doonaa April 25, halka lugta labaad la ciyaari doono May 2)

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here