Barcelona iyo Messi oo taariikh cusub u dhigay tartanka Yurub iyo Apeol oo soo gudubtay

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa noqday laacibki ugu horeeyey ee shan gool ka dhaliya koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Champions League kadib marki ay xalay kooxdiisa 7-1 ku dar dartay Bayer Leverkusen.

Barcelona oo ku ciyaareysay  garoonkeeda ayaa lugti hore oo ka dhacday dalka Jarmalka sadex todobaad ka hor kusoo badisay 3-1, xalayna 7-1 sidaasi daraadeed isku darka goolasha waxay wareega sideeda ugu gudubtay 10-2.

Xidiga sare ee dalka Argentine ayaa haatan dhaliyey 53 goal 49 kulan oo uu Barcelona iyo xulka qaranka u saftay xilli ciyaareedkan qabyada ah, waxaana uga dhiman inuu noqdo ninka ugu gool dhaliska badan naadiga todobo gool oo qura.

Hada Messi wuxuu u dhaliyey kooxdiisa mudadi uu la joogay oo dhan 228 gool 311 kulan oo uu u saftay guud ahaan.

Guushi xalay ay gaartay Barca ayaa ah fariin ay u direyso kooxaha ka qeybgalaya tartanka waxaana ay u muuqataa in ay markeedi sadexaad oo xiriir ah gaareyso finalka koobka Champions League taasi oo ka dhigeyso taariikh kale.

Inkasta oo uu xalay Messi si layaab leh u ciyaaray hadana waxaa uu macalinka kooxda Pep Guardiola fursad siiyey wiil dhalinyara ah oo aanan sidaasi loo garaneyn kaasi oo ah 20 jir ka ciyaaro qadka dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Magaciisa waa Tello waana wiil ku cusbaa xalay tartankan isaga oo ciyaarayey kulankiisi ugu horeeyey ee Yurub ayuu saxiixay laba gool wax yar kadib marki lagu badalay Andres Iniesta waliba wuxuu goolasha ku dhaliyey 7 daqiiqo gudahood.

Goolka calanka waxaa u dhaliyey kooxda Leverkusen ciyaaryahanka badalka kusoo galay Karim Bellarabi dhamaadki ciyaarta.

Dhanka kalana kooxda ayaa Apoel Nicosia ayaa marki ugu horeysay soo gaartay wareega sideeda ee tartanka Champions League kadib marki ay rigoorayaal 4-3 ah ku garaacday naadiga Lyon ee dalka France.

Goolhayaha kooxda Dionisios Chiotis ayaa sabab u ahaa in ay gaaraan kaalinta ay hada ku jiraan marki uu badbaadiyey rigoorayaal kadib marki labada naadi ay isku mari waayeen 90-ki daqiiqo ee ciyaarta iyo 30 kale oo dhaaraad ah oo lagu daray 1-0 oo ay ku hogaamineysay Apoel Nicosia.

Lugti hore ee ciyaarta oo ka dhacday magaalada Lyon ayaa waxaa 1-0, kulanki xalayna waxaa iyana 1-0 ku dhameysatay Apoel sidaasi daraadeed waxay noqdeen bar baro, waxaana loo baahday in lagu kala saaro rigoorayaal.

Goolka waxaa u dhaliyey Apoel ciyaaryahan Gustavo Manduca daqiiqadi sagaalaad, isaga ayaana roose ka qaatay dhamaadka ciyaarta marki la siiyey jaaalihi labaad, waxaana markaasi kadib Lyon laga badbaadiyey laba isku day oo ay goolka Apeol ku sigeen Alexandre Lacazette iyo Michel Bastos.

Goolasha rigoorayaasha waxaa u dhaliyey Apeol Ailton, Nuno Morais, Nektarios Alexandrou iyo Ivan Trickovski sidaasi ayeyna kusoo baxday.

Habeen horana kooxda Arsenal ayaa 3-0 ku garaacday naadiga AC Milan, hase yeeshee wey hartay Arsenal maxaa yeelay lugti hore ayaa lagu soo garaacay 4-0.