Barcelona iyo Lyon oo guulo ka soo hooyey kulamadi Champions League ee xalay

Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah kala soo laabatay xalay dalka Jarmalka kadib marki ay 3-1 kaga soo adkaatay kooxda Bayer Leverkusen.

Alexis Sanchez ayaa marki ugu horeysay u saftay kooxda Barcelona kulan toos ah koobkan isaga oo u dhaliyey goolki ugu horeeyey isaga oo wali saxiixay laba gool, goolka sadexaadna waxaa ku qatimay Lionel Messi si ay Barcelona u xaqiijiso guusha lugta hore ee wareega 16-ka tartanka Yurub.

Sanchez ayaa aad u ciyaaray qeybti hore isaga oo goolka koowaadna ku dharbaaxay kadib baas la yaab leh oo uu ka helay Messi, laakin waxaa madaxa ku bareejeeyey Michal Kadlec oo isna ka faa’ideystay karoos uu ka helay Vedran Corluka, balse waxaa hogaanka dib ugu soo celiyey Barca Sanchez.

Messi ayaa goolka sadexaad saxiixay ka hor inta aysan dhamaan ciyaarta, waxaana hada Barcelona loo saadaalinayaa in ay si fudud ugu soo bixi doonto wareega sideed dhamaadka koobkan, iyada oo lugta labaad kula balan gaoroonkeeda 7-ka bisha March.

Leverkusen ayaa u baahnaan doonto in ay 3-0 uga badiso Barcelona garoonka Nou Camp hadii ay rabto in ay usoo baxdo wareega 8-da oo ay ugu danbeysay sanadki 2002 oo ay gaartay finalka.

Dhanka kalana, kooxda Lyon ayaa guul muhiim ah kasoo hooysay naadiga reer Cyprus ee Apoel Nicosia kadib marki ay 1-0 kaga badisay ciyaarti ka dhacday magaalada Lyon ee dalka France.

Guushaasi ayaa waxaa faa’ido weyn ku qabto kooxda Lyon maxaa yeelay waxa ay aadi doontaa lugta labaad kooxda Apoel Nicosia iyada oo isku haleyneysa in ay raadiso gool ama bar baro.

Goolka qura ee Lyon waxaa dhaliyey Alexandre Lacazette kaasi oo ku garaacday shuut goolwalaha kooxda Apoel Dionisios Chiotis.

Waxaa jiray fursado wanaagsan oo soo maray Lyon gaar ahaan fursadi Ederson laakin ma aysan u suura galin inuu dhaliyo.

Apoel oo ah kooxdi ugu horeysya ee ka socota Jasiirada yar ee Quburus ee soo gaarta wareega 16-ka koobka Champions League ayaa rajo wanaagsan qabta waa hadii ay ugu yaraan 2-0 uga badiso kooxda Lyon.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.