Barcelona 3-1 AC Milan

Kooxda Barcelona ayaa usoo gudubtay wareega afar dhamaadka koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Champions League kadib marki ay xalay 3-1 ku garaacday naadiga AC Milan.

Laba rigoore oo uu u dhaliyey Messi iyo gool uu keenay Iniesta ayey ku badisay Barca oo ku ciyaareysay garoonkeeda Camp Nou, iyadoo Messi, oo ah 24 jir uu noqday laacibki sadexaad ee ugu goolasha badan tartankaan.

Barca ayaa sugeyso cidi soo bixi doonto mid ka mid ah kooxaha Benfica ama Chelsea cidi soo gudubto caawa.

Milan way iska bareejeysay ciyaarta oo mareyso 1-0, waxaana gool aad u qurxanaa u saxiixay Antonio Nocerino kadib marki uu kubad uu soo sharaxay Robinho uu u dhiibay Zlatan Ibrahimovic kadibna u sii baaxay Nocerino oo ah nin ka dheelo qadka dhexe.

Barca goolkeeda koowaad wuxuu ahaa rigoore lagu galay Messi kadib marki uu Antonini dhulka ku riday, sidoo kalana goolka labaad waxa uu isna ahaa rigoore, laakin markaan ciyaartooyda Milan aad ayey uga qeyliyeen sababtoo ah iyadoo koone lasoo tuurayo ayuu Alessandro Nesta shaarka ka qabtay Sergio Busquets gudaha xerada ganaaxa Messi ayaana mar kale saxiixay.

Iyadoo ay rajo ka qabto in ay iska soo gudo goolka labaad ayaa waxaa quusiyey Andres Iniesta wixi markaasi ka danbeeyeyna Barca ayaa ciyaarta maamulaneysay.

Ma jirto koox laba jeer oo xiriirto isku qaatay tartankan laakin waxaa rikoorkaasi rajeynaya Pep Guardiola oo u muuqana inuu tagi doono finalka 19-ka May ee magaalada Munich.

Messi waligiis kooxaha Talyaaniga waxa uu ka dhaliyey sadex gool, sadexdaasi gool oo dhamaantood ahaa rigoore waxa uu ka wada dhaliyey AC Milan, sidoo kalana Messi waxa uu leeyahay 14 gool isaga oo jebiyey rikoor uu sanadki 2003 dhigay weeraryahanki hore ee kooxda Manchester United Ruud Van Nestelroy.

Tababaraha kooxda Milan Masimilano Allegri ayaa sheegay in aysan wax shalaay ah ka qabin guuldarada ay kala soo laabteen Spain balse waxa uu ku eedeeyey garoore Bjorn Kuipers oo ah nin u dhashay dalka Holland kaasi oo dad badan ay u arkaan inuu ka eexday Milan.

Dhanka kalana kooxda Bayern Munich ayaa usoo gudubtay wareega semi-finalka kadib marki ay 2-0 ku cuntay kooxda Marseille ee dalka France.

Bayern waxay ku dhici doontaa naadiga Real Madrid oo loo saadaalinayo in ay goolal badan uga badin doonto kooxda Apoel.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.