Cristiano Ronaldo ayaa 2 Gool qeybti hore u dhaliyay Real Madrid oo marti u ah Deportivo, halka Suarez uu asigana 2 Gool u dhaliyay Barcelona oo iyadana marti u ah Granada.
Barcelona ayaa galabta la hoyan doonta Horyaalka LALIGA, hadii ay sidaan kusii socoto oo ay difaacdaan Goolasha ay leeyihiin, balse hadii la bareejeeyo ama laga badiyo waxaa Horyaalka qaadan doonta Real Madrid oo 1 dhibic ka hooseysay.
Real Madrid ayaa u baahan ineey ka badiso Deportivo islamarkaasina laga badiyo Barcelona, balse sida hada wax u socdaan Barcelona ayaa 99% u dhow ineey ku guuleeysato Horyaalka.
Waxaa hada bilaabatay qeybtii 2-aad ee ciyaarta, wixii isbadal ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa..