Barakacayaasha xerada Badbaado oo sameeyey dibad bax cabasha ah

Boqolaal ka mid ah dadka barakaca ah ee ku nool xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho ayaa sameeyey maanta banaanax ay kaga cabanayaan musuq maasuq lagu sameeyo gargaarko loo soo dhiibo.

Dadkaa oo u badnaa haween iyo dad waayeelo ah ayaa sheegay in ay qaati ka taaganyihiin dadka lagu magacaabo horjoogayaasha kaamamka oo inta badan qaata mucaawinada loogu tala galay iyo sidoo kale iyaga oo wax ku bixiya wax ay ugu yeereen afaara qabiil.

Nin oday ah oo sheegay inuu ahaa dadki ugu horeeyey ee lagu bilaabay xerada Badbaado ayaa sheegay in dhibka ugu weyn ee ay qabaan uu yahay raashinkooda oo is daba maris lagu sameeyo iyo iyadoo loo kala eexdo barakacayaasha.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayuu ugu baaqay in uu arinta soo fara geliyo, sidoo kalana hey’adaha gargaarka wuxuu ka codsaday in aysan cidna ugu dhiibin deeqaha ay ugu tala galeen.

“Aniga macalin Adan ayaa la i yirahadaa waxaan daganahay sideed bilood waxaan ahay dadki ugu horeeyey waliba dhismo aniga ayaa ku bilaabay, marka dowlada waxba ma oga ee waxa na haya waa horjoogayaasha nimanka isku sheego, madaxweyne Sheekh Shariif waxaan ugu baaqayaa in uu nimankaan naga qabto” ayuu yiri.

Xerada Badbaado ayaa ah tan ugu weyn ee ay ku jiraan dadka barkaca ah ee kasoo cararay abaarihi sanadki hore ku dhiftay Soomaaliya, waxaana la furay mudo iminka laga joogo 8 bilood.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.