Barakac ka bilowday Kismaayo

Barakac xoog leh ayaa ka bilowday magaalada Kismaayo taasi oo la xiriirta duqeyn ay maraakiib dagaal u geysanayaan magaalada.

Wararka aanu ka heleyno Kismaayo ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay tahay mid dareen cabsi iyo wal wal ay ka jirto, iyadoo qoysas badan ay hada ka baxeen magaalada kuwaasi oo qaar kusoo laabanaya Muqdisho qaarna deegaanada deriska la ah.

Baraka ayaa ka danbeeya madaafiic culus oo ay magaalada ku garaaceen maraakiibta dagaalka Kenya oo maalmahanba ku sugnaa xeebta Kismaayo.

Duqeynti ugu danbeysay shalay subax ayey ka dhacday magaalada waxaana ku dhaawacmay hal ruux oo rayid ah sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Al Shabaab ee maamula magaalada.

Kismaayo oo ah magaalo xeebeed muhiim ah ayaa waxaa maamula Al Shabaab mudo ka badan sadex sano, waxaase haatan u bira tumanaya ciidamada Kenya ee ka mid ah kuwa AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here