Barakac ka bilaawday magaalada Kismaayo

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qoysas fara badan ay bilaabeen inay magaalada isaga barakacaan kadib markii dagaal culus oo u dhexeeya ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa DKMG ah uu ku dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo illaa 60km u jirta magaalada.

Xaalad cabsi ah ayaa soo wajahday dadweynaha ku nool magaalada kuwaasoo ka cabsi qaba in dhinacyada dagaalamaya ay magaalada ku dhex diriraan taasoo dadka rayidka dhibaato u geysan karta.

Qiimaha lagu raaco baabuurta ayaa sare u kacay iyadoo qoysaska aysan wada awoodin inay baabuur kireystaan si ay u guuraan.

Afhayeen u hadlay ciidamada DKMG ee la socda kuwa Kenya ayaa ku goodiyey inay saacadaha soo sicda tegi doonaan Kismaayo halka Al-Shabaab ay ciidamo farabadan soo gelisay magaalada.

Dhanka kale dad ku soo dhawacmay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa la gaarsiiyey isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaana dadka ay sheegayaan in magaalada ay soo gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaasoo wata baabuurta dagaalka iyo hubka culus. In ka badan 30 ruuxoo isugu jira dhinacyada dagaalamay ayaa la qiyaasayaa in dagaalkii shalay ay ku naf waayeen.

Warbaahinta Al-Shabaab ee ku taalla magaalada Kismaayo ayaa xalay sheegtay in ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaalkii shalay waxayna warbaahinta sheegtay in labo diyaaradood ay ku soo rideen dagaalka.

Afhayeen u hadlay ciidamada DKMG ah ee ku sugan Gobolka Col Aden Maxamed ayaa beeniyey warkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here