Baraawe: Duqeyn Diyaaradeed oo lagu dilay sarkaal saroo al-shabaab ka tirsan

Duqeyn diyaaradeed

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed oo shalay gelinkii dambe ka dhacday inta u dhaxeysa Baraawe iyo Kuunyo Barow lagu dilay Sarkaal ka tirsna Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay fuliyeen diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay, hase ahaatee loo maleynayo inay yihiin kuwa Mareykanka ee aalaaba duqeymaha ka fuliya Koofurta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan maamulka degamda Baraawe ayaa xaqiijiyay duqeyntan, waxaana uu sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaalo la socotay oo saarnaa gaari.

Waxaa uu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan weerarka, isla markaana ay wali qiimeyn ku wadaan, iyadoo la sheegay in Al-Shabaab ay xireen goobtii ay duqeynta ka dhacday.

Deegaanka duqeynta ka dhacday ayaa waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, waxaa la sheegay inay aad ugu dhow dahay, halkii sanad ka hor lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabayay C/llaahi Xaaji Daa’uud oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay duqeyn la beegsadeen gaari uu la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here