US. Bank oo Oggolaaday la Shaqeynta Xawaaladaha Soomaalida

Bankiga US Bank ee dalka Maraykanka ayaa oggolaadey inuu la shaqeeyo xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Arrintan ayaa la sheegay in keentay in shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil loo oggolaaday inay bangigaasi ka furtato koonto xisaabaadeed si ay ugu fududaato inay lacago u dirto dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse oo ka tirsan Ururka Shaqaalaha ee SIEU ee dalka Maraykanka ayaa VOA u sheegay in dedaal dheer ay u galeen siddii Bankiga US Bank uu ugu oggolaan lahaa xawaaladaha Soomaalida ee ku yaalla dalka Maraykanka ka furtaan xisaabaad.

Wuxuu sheegay ururkooda in u ololeynayey in bangiyadu ogolaadaan la shageynta xawaaladaha Soomaalida,waxaana taasi ay keentay ayuu yiri in US. Bank uu ogolaado in xawaaladaha Soomaalida uu xisaabaad u furo

Bangiyada Maraykanka ee gobolka Minnesota ayaa dhammaadkii 2011-kii joojiyay inay la shaqeeyaan oo lacagaha ay u diraan shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida iyagoo ka walaacsanaa in ay dhibaato uga timaado mas’uuliyadda lacagaha loo diro Soomaaliya..

Soomaalida gobolka Minnesota ayaa arrintan kaga jawaabay banaanbaxyo iyo waliba in ay iska xiraan xisaabaadkoodii bangiyada u diidey xawaaladaha in ay lacagaha u qabtaan.

Arrintan ayaa dad badan ay soo dhaweeyeen oo ah Soomaalida ku dhaqan dalak Maraykanka gaar ahaan gobalka Soomaalida ay ku badan tahay ee Minnesota.

Waxaa laakin jirta shuruudo culus oo lagu xiray shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, ilaa haddana waxaa arrintaas soo buuxiyay shirkadda Dahabshiil.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here