Banki Adduunka oo Lacago Malaayiin ah ugu Yaboohay Somaliya

World-Bank-image

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters Bankiga Aduunka,Bankiga hormarinta  Africa iyo Midowga yurub ayaa balanqaadaya lacag dhan $8 billion si wax looga qabto dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka kajira wadamo african ah oo ay kamitahay Somalia ,qaasatan dhanka faqriga .

Wadamada lacagtan wax looga qaban doono waxaa kamid ah Kenya, Somalia, Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Uganda, Sudan iyo South Sudan,iyadoo xubnuhu ay sheegeen in wadamada Africa kuyaala ay dhibaatada ugu badan kuqabaan dhanka faqriga.

$8 billion ayaa diirada lagu saari doonaa caawinta dib udhiska ,caafimaadka waxbarashada,Shaqo abuurka iyo tababarada dadka shaqaalaha ah sanadaha soo socda.

“Wadamada geeska Africa ayaa sameenaya dib usoo kac wallow ay saameeneeso xasilooni darada” sidaa waxaa lagu yiri warbixin wada jir ah oo ay dhinacyadu soo saareen.

Dhanka kale bankiga hormarinta islaamka ayaa balanqaaday lacag dhan $1 billion oo wax looga qabanayo dhanka Horumarka ,taa oo lagu taageerayo wadamada Somalia,Jabuuti,Sudan iyo Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here