Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo lacag hor leh lagala baxay (Cadadka lacagta & cida la baxday)

1x-1Mukhtaar Nuur Abuukar, Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdishu, ayaa shaaciyay in Lacag badan laga xaday Laanta Bangiga Dhexe uu kuu leeyahay Dekedda Muqdishu.

Garsoore Mukhtaar ayaa sheegay in lacag dhank $204,000 (Labo Boqol iyo Afar Kun oo Doolar), taasi oo ku jirtay Qasnada Bangiga Dhexe ee Dekedda Muqdishu.

Garsooraha Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa daboolka ka qaadey in Lacagta uu la baxay Agaasimaha laanta Bangiga Dhexe ee Dekedda Muqdisho Cabdi Maxamed Abuukar.

Mukhtaar ayaa intaa ku daray inay haatan socdaan dadaallo lagu soo xirayo Cabdi Maxamed Abuukar, inkastoo uu sheegay in soo xirista Ninkan ay is-hortaag ku sameeyay ku xigeenka gudoomiyaha Bangiga Dhexe Maryan Macalin, oo hayb ahaan isku dhawyihiin.

Bishii lasoo dhaafay ee August, ayaa Bangiga Dhexe waxaa lagala baxay lacag gaarayso $ 530,000, taasi oo uu xaday Nin Qasnaji ahaa oo lagu magacaabo Muxiyadii Maxamed Xasan (Muxiyadiin Santooni).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here