Bangiga Aduunka oo soo saaray warbixin ku saansan burcad-badeeda Soomaaliya

Warbixin maanta kasoo baxday Bangiga aduunka ayaa looga hadlay Xaalada burcad-badeednimada Soomaaliya, taasoo loogu magac daray “Ciribtirka qatarta iyo dib u dhiska qaranka”.

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in baabi’inta burcad-badeednimada ay u baahnaan doonto kobcin dheeraad ah oo Xeebaha, iyo taageero Caalami ah, oo dib loogu dhisayo qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud, oo taageeray warbixinta cusub, ee ciribtirka burcad-badeeda ayaa sheegay in xal waara oo laga gaaro burcad-badeeda ay ku’imaan karto oo kaliya, ay tahay in dib loo abuuro qaran Soomaaliyeed oo si dhab ah u shaqeeynaya, bulshadana u keeni kara dhamaan adeegyada daruuriga ah, si loo yareeyo faqriga, loona abuuro fursado shaqo.

Warbixinta waxay sheegtay in loo baahnaan doono in lagarto culeyska iyo isbadalada siyaasadeed ee gudaha, iyadoo marka la qeexayo arimahaas ay ku jiraan sidii loo siin lahaa Caafimaad wanaagsan, waxbarasho, nafaqayn iyo adeegyada kale, gaar ahaan kuwa ku nool goobaha ay burcad-badeednimada kajirto.

Sidoo kale warbixinta waxa ay xustay in beesha Caalamka ay gacan ka siin karto Soomaaliya, dib usoo nooleynta aqoonta, sida ay nidaamyada gudaha u qaabeyn karaan wadaagista qeyraadka iyo xiriirada qabaa’ilka, iyo ugu danbeyn sida loo qeexo daganaashaha siyaasada qaranka six al loogu helo dhibaatada burcad-badeednimada.

Warbixinta Baanka aduunka waxaa lagu xusay in mid kamid ah qiimeeynaha faah faahsan ee qarashka Caalamka, iyo gobolka ee burcad-badeednimada Soomaaliya, uu Baanka aduunka ku sheegay in lagu qiyaasay 18 Bilyan oo doolar sanadkiiba oo qarash ahaan ku kordha ganacsiga, taasoo ah wax aad uga yar inta lagu qiyaaso in cel celis ahaan inta madax furasho ahaan loo bixiyay oo dhan 53 bilyan, oo la bixiyay ilaa iyo sanadkii 2005.

Warbixintu waxa ay leedahay, ma ahan oo kaliya in burcad-badeednimada ay canshuur qarsoon saartay ganacsiga aduunka guud ahaan balse ay sidoo kale saameyn weyn ku yeelatay howlaha dhaqaalaha dalalka dariska ah tan iyo sanadkii 2006-dii.

Wadamada bariga Afrika waxaa ku dhacay hoos u dhac ku yimid dalxiiskooda iyo wax soos aarkoodii dhinaca Kaluumeysiga, qaybta dalxiiska oo wanaagsaneyd ayaa qarashka ku baxa bariga Afrika ilaa iyo intii ay bateen dhaqdhaqaaqa burcad-badeednimada waxa uu sare u kacay 25% taas oo ka hooseysa wadamada kale ee Afrika ee saxaraha ka hooseeya.

Sidoo kale badeecadaha Kaluumeeysiga ee la dhoofiyo, gaar ahaan wadamada ay saameeysay burcad-badeednimada ayaa marka la bar bardhigo gobolada kale hoos u dhac uu ku yimid in ku dhow 24% tan iyo sanadkii 2006-dii, taasoo qayb ahaan ah hoos u dhac dhinaca wax soo saarka ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here