Bandow xaley lagu soo rogay Kismaayo

Kismaayo oo Bandow lagu soo rogay
Kismaayo oo Bandow lagu soo rogay

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saakay deggan kaddib markii habeenkii xaley maamulka KMG ah ee Jubba uu bandow ku soo rogay magaalada Kismaayo.

Ciidamada maamulka ayaa la dhigay waddooyinka magaalada, waxayna dadweynaha ku amrayeen inay guryahooda galaan.

Maamulka KMG ah ee Jubba kama aysan hadlin sababta keentay bandowga, waxaase jira warar sheegaya in laga cabsi qabo in magaalada uu duullaan ku soo wajahan yahay.

Isgaarsiinta ayaa la sheegay in laga jaray gobollada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe oo hab-ka isku xirka isgaarsiinta gobolladaas iyo Muqdisho laga maamulo degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo ay al-Shabaab gacanta ku heyso.

Ciidamada maamulka ayaa la sheegayaa inay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here