Bandow xalay ka dhaqangalay Shabeelaha Hoose

Bandow ayaa xalay ka dhaqan galay degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee ay dowlada ka maamusho gobolka Shabeelaha Hoose.

Bandowga oo bilowday maqribki ayaa ku ekaa saakay salaadi subax sida ay xaqiijiyeen dadka ku nool Afgooye, Ceelasha iyo Lafoole kuwaasi oo xiray dhamaan goobaha ganacsiga iyo tukaamada.

Gaadiidka mari jiray xilliyada habeenki Afgooye ayaa ku hakaday baraha koontaroolka ee laga soo galo.

Bandowga waxaa shalay iclaamiyey gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, C/qadir Maxmed Nur oo sheegay in ilaa laga xaqiijinayo amaanka uu sii socon doono.

“Waxaa go,aan lagu gaaray in ciidan roonda ah la sameeyo  iyo in jidadka soo gala magaalada Afgooye si wanaagsan loo baari doono, gaadiidka ka yimaada koonfurta waxay seexan doonaan Mukayga, kuwa ka yimaada Muqdisho waxay seexan doonaan Baar Ismaaciil amaankoodana waa la sugi doonaa,” ayuu yiri.

Tani waxay ka danbeysay kadib marki ay qaraxyo ka dhaceen Afgooye todobaadkaan kaasi oo ay marki danbana sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.