Bandow xalay ka dhaqan galay magaalada Dhuusamareeb

Maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku rogay magaalada Bandoow aanan la ogeyn ujeedada ka danbeysay.

Bandowga oo bilowday xalay fiidkii ayaa soo gaba gaboobay saakay salaadi subax sida kusoo waramayaan wariyaasha ku sugan magaalada.

Maamulka magaalada ee hoos taga Ahlu Sunna ayaa ku micneeyey bandoowga mid lagu xoojinayey amaanka magaalada, inkastoo aysan faah faahinin ujeedada ka danbeysay in ay magaalada Bandoow kusoo rogaan.

Warar la isla dhaxmayo ayaa sheegaya in ay heleen Ahlu Sunna weerar kaga soo wajahan Al Shabab oo dhowr jeer horay u weeraray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.