Bandow xalay ka dhaqan galay Garbahaarey

Bandow ayaa xalay ka dhaqan galay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo kaasi oo ay kusoo rogeen saraakiisha xaga amaanka.

Bandowga ayaa lagu dhawaaqay shalay gelinki danbe kadib marki maamulka magaalada ay cod baahiyaal ugu sheegeen dadweynaha in ay guryahooda ku xaroodaan salaada maqribka ah kadib.

Sida ay wararku sheegayaan sababaha keenay in bandow lagu soo rogo magaalada ayaa ah cabsi laga qabay in Al Shabaab ay weerar ku qaadaan halkaasi.

Bartamih May ayaa dagaal xoog leh oo ay Al Shabaab ku qaadeen Garbahaareey waxaa ku dhintay dad ka badan 20 ruux oo labada dhinac ah oo uu ku jiray taliye sare oo ka tirsan ciidamada dowlada.

Garbahaareey ayaa xarun u ah gobolka Gedo waxaana ku sugan ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Suna.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here