Bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo iyo ganacsatada magaalada oo ka cabanaysa amni darada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamo ka socda dalka Kenya iyo ciidamo Soomaali ah ayaa xalay waxaa ka dhaqan galay bandow ka bilaabanaya sagaalka fiidnimo.

Bandowgan ayaa lagu soo rogay magaalada kadib markii ay soo bateen dhac loo geysanayo shacabka iyo ganacstada magaalada ku nool.

Ganacsatada ayaa waxaa ay la kulmayaan dhibaatadii ugu darneyd ee ay abid la kulmaan kadib markii maleeshiyo aan waba reebeyn ay bilaabeen inay ka qaataan ganacsatada wixii suurtogal ah,

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay Midnimo.com ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliya in si degdeg ah maamulkii iyo kala dambayntii loogu soo celiyo magaalada Kismaayo.

Hase yeeshee illaa iyo hadda ma muuqato in maamul loo samayn karo magaalada Kismaayo iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamo kala taageersan beelo ka mid ah kuwa ku nool gobolka Jubada Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here