Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay magaalda Kismaayo

Ciidamada huwanta ah ee ku sugan magaalada Kismaayao ayaa ku soo rogay bandow magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Bandow oo xalay ka dhaqan galay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, kadib markii howl galo hub iyo dad lagu qab qabtay ay shalay ka sameeyeen ciidamada huwanta ah.

Afhayeenka Raaskambooni C/naasir Seeraar ayaa  ku macneeyey bandhowgan in uu yahay mid lagu sugayo ammaanka magaalada kadib markii ay soo bateen falalka amni darro ee ka jira magaalada Kismaayo.

Bandowgan lagu soo rogay magaalada Kismaayo ayaa ah tii ugu horeysey ee si rasmi ah uga dhaqan gasho tan iyo markii ay ciidamada huwanta ay la wareegeen magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Raaskaambooni ayaa sidoo kale sheegay in Bandowga uu bilaabanayo 8-da Fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo, isagoo sheegay in howl galo ay shalay sameeyeen ay ku soo qabqabteen   hub iyo gaadiid uu sheegay in ammaan darida uu qeyb ka ahaa.

Waxaa uu sheegay in howlgalada ay soconayaan ilaa ammaanka laga xaqiiyo, isagoo sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay ciidamada  fariisimo ka sameysanayaan xaafadaha magaalada.

Tan iyo markii ay ciidamada huwanta soo galeen magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay ilaa afar nabadoon oo caan ka ahaa gudaha magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here