Banaanbaxyo Maanta Kadhacay Garowe

Wararka ka’imaanaya magalada Garowe ee Xaruunta maamulka Puntland ayaa ku waramaya in banaanbax ballaaran oo ay doowlada Soo qaban qaabisay uu halkaas ka dhacay maanta, waxaana kasoo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan oo ay ka koobantahay bulshada Puntland.

Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin badan oo ay ku jiraan madaxda maamulka oo uu horkacayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Banaanbaxaan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay islamarkaasna aad loo sugayay amaanka halka uu ka dhacayay ayaa waxaa loogu magic daray “banaanbixii Carada” .

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo khudabad ka jediyay banaanbaxaan, ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay wweeraradii kala duwanaa ee maalmihii lasoo dhaafay kadhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Faroole, ayaa sheegay in isku soo baxaan uu yahay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray Aragagixisad oo ula jeeday Al-shabaab, waxa uu sheegay in dibad baxaan maanta uu bilaaw uyahay dagaal ay iska kaashan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo doowlada kaasoo ka dhan ah Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad bulshada kamid ah oo taageera kooxda oo uu ku kala tilmaamay: Dajiye, Tilmaame, Soo dhaweeye, maalgeliye, qariye, hadhow dabagale, Laaluush Bixiye, wuxuuna sheegay in dadkaasi oo dhan laga madax banaanaado

“…Al Shabaab waa ka aargudaneynaa, waxaana ka bilaabeen kuwa guryaheena jooga….” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo la hadlayey dadka isugu soo baxay fagaaraha Garowe.

Banaan-baxaan maanta ka dhacay Garowe, ayaa bulshada reer Puntland waxa ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin falalka guracan ee ay Al-shabaab ku beegsadaan dadka halbowlaha u ah bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here