Banaanbaxyo ka dhacay magaalooyin ka tirsan Somaliland

Banaanbaxyo ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Boorame, Burco iyo Hargeya ee hoos taga maamulka la magac baxay Somaliland.

Banaanbaxyada oo loogu magac daray adkeynta madax banaanida iyo difaacida Somaliland ayaa kii ugu weynaa waxa uu ka dhacay fagaaraha Qeyriyada ee magaalada Hargeysa halkaas oo ay soo xaadireen kumanyaal dad ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxman C/laahi Ismaaciil (Seylaci) oo qudbad dheer ka jeediyey goobta ayaa sheegay in aanan waxba loo dhimi karin madaxbanaanida Somaliland isaga oo dhaliilay shirki Taleex ee lagu dhisay maamulka la magac baxay Khaatumo.

“Isu soo baxeynta maanta waa mid aan ku muujineyno taageeriada midnimada Somaliland iyo wadajirka Somaliland, Shirka Taleex waxgaradki ka qeybgalay waxaa fiicnaan laheyd in ay nala xaajoodaan anaga, taasi micno ma keeneyso,” ayuu yiri.

Madaxda Somaliland iyo madaxda axsaabta mucaaradka ayaa ugu baaqay dadka Sool iyo Sanaag in aysan ku dag dagin ka qeybgalka shirka looga hadli doono arrimaha Soomaaliya ee London.

Dibadbaxyadaan ayaa kusoo beegmay xilli ay xiisad ba,an ka taagantahay magaalooyinka Laascaano iyo Buuhoodle oo ay ku dagaalameen maleeshiyo taabacsan maamulka Khaatumo ee laga dhisay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo ciidamada Somaliland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.