Banaanbaxyo ay Soomaalida maanta ka dhigeen dalka Koonfur Afrika

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in maanta oo Jimca ah, ay magaalooyin badan oo ku nool yihiin dadka Soomaalida ay ka dhaceen banaan baxyo looga soo horjeedo dhibaatooyinka loo geesto Soomaalida ku nool dalkaas.

Wariyaasha ku sugan magaalada Port Elizabeth.ayaa sheegay in maanta halkaas salaadii Jimcaha kaddib lagu qabtay isku soo bax ballaaran kuwaasoo ay ka qaybgaleen dhammaan Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa.

Dadkii banaan baxayay ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin eryo muujinaya sida looga xun yahay tacadiyada iyo dhibaateenta lagu hayo Soomaalida.

Dadkii isugu soo baxay banan baxa ayaa sheegaya in dowladda Koonfur Africa looga bahay in ay wax ka qabato dhibaatada wali lagu hayo Soomaalida, waxa ay sheegeen in Soomaalida maanta ay lee yihiin dowladda sharci ah oo la aqoonsan yahay.

Sidoo kale waxa ay u duceeyeen dad badan oo la dilay, gaar ahaan dhowr wiil oo maalmihii u dambeeyay lagu dilay dalkaas,oo ay ugu dambeeyeen labo wiil oo walaalo ah oo midniyo lagu dilay.

Banaan baxa maanta waxaa ka qaybgalay haween badan kuwaasoo iyana dowladda Fedaraalka Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalkaas.

Waa banan bixii ugu ballaarnaa ee ka dhaca dalka Koonfur Africa, waxaana intii uu socday la xiray wadooyin badan iyo xaafada sida ay lee yihiin wariyaasha ka soo warramay banaanbaxa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here