Banaanbax looga soo horjeedo Imaaraadka oo Beri Muqdisho ka dhacaya

MuqdishoWarar hoose oo soo gaaray Midnimo.com ayaa sheegaya, in Magaalada Muqdisho uu kasocdo abaabulka Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Imaaraadka, kaasoo lagu wado inuu Beri dhaco.

Banaanbaxaan ayaa waxaa iska kaashanaya qaban qaabadiisa ardayda wax ka barata Jaamacadaha iyo Iskoolada Muqdisho iyo sidoo kale ururada Bulshada.

Doowlada Imaaraadka ayaa dhawaan magaalada Dubai isugu geysay dhamaan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaasoo ay kala hadashay Doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dooran lahaa shaqsi ay iyaga wataan, kaasoo la sheegay inuu Yahay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid islamarkaasna ku eedeeysan inuu yahay ninkii qeyb kamid ah Badda Soomaaliya u saxiixay Kenya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisam ayaa si aad ah uga gilgishay faragelinta Imaaraadka ku hayo arrimaha Soomaaliya, taas ayaana keentay in shacabka Muqdisho ay qaban qaabiyaan Banaabax ka dhan.

Banaanbaxa ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Taalada daljirka Dahsoon iyo albaabka hore Safaarada Imaaraadka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here