Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Kenya oo ka dhacay Kismaayo

Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Kenya
Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Kenya

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay goordhow Bannaanbax lagu taageerayo joogitaanka ciidamada Kenya ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Bannaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Kismaayo, iyadoona la joojiyay adeegyada ganacsiga, waxbarashada iyo isu-socodka gaadiidka magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirasan maamulka Juba oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Warsame Darwiish, kan arrimaha bulshada, Maxamed Ibraahim Maxamuud iyo madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka, Suldaan Cabdulqaadir Luga-dheere ayaa ka qaybgalay bannaabaaxa.

Ciidamada Sierra Leone ayaa horraanta bisha February lagu wadaa inay hoggaanka Waaxda 5-aad ee Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kala wareegto taliyaha ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here