Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha oo ka socda G.Gedo

Banaanbax

Banaanbax ay ka qeyb galayaan Bulshada ku dhaqan Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu ka socdaa magaaladaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sida ay uga soo horjeedaan Mooshinka laga gudbiyey R/wasaare Cabdiweli shiikh Axmed iyagoo sidoo kale dhaleeceyn ujeediyey banaanbaxayaasha Madaxweynaha Dalka.

Dadka Dibadbaxa ka qeyb galaya ayaa waxay ku dhawaaqayaan Erayo ay ku muujinayaan Taageero ay u hayaan R/wasaare Cabdiweli oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Banaanbaxaan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli Khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha & R/wasaaraha uu sii xoogeysanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here