Banaanbax dad ay ku waxyeeloobeen oo ka socda Burco

Breaking-News53-300x168

Warar hadda naga soo gaaray Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo rabshado wata.

Dibadbaxa ujeedkiisu ayaa waxa uu yahay mid looga soo horjeedo mooshin laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya C/raxmaan Ciro.

Dadka ka qeyb qaadanaya iskusoo baxaasi ayaa waxay wataan boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Mooshinkaasi.

Ciidanka Amaanka Magaalada Burco ayaa rasaas ay fureen waxay sababtay in Haweeney ka mid ah dadkii ka qeyb galayey banaanbaxa ay ku geeriyooto taasi oo dibadbaxayaasha kasii careysiisay.

Dadka ayaa waxay xireen waddooyinka waa weyn ee dhexmara magaalada Burco waxaana ay ku gubayaan Shaagag ama Taayarada Baabuurta.

Wixii kasoo kordha Xaalada Magaalada Burco dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here