Banaan bax nabadeed oo ay ka qeyb galeen boqolaal dhalinyaro, laguna dalbanayay horumarka dhalinyarada oo maanta Muqdisho ka dhacay (Sawirada)

Banaan bax nabadeed oo lagu dalbanayay horumarka dhalinyarada ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Baarlamaanka, Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Saraakiil Ciidan, Xiriirka K/Cagta Soomaaliyed, iyo boqolaal dhalinyaro ka mid ahaa Ardayda Iskuulada ku yaal Magaalada Muqdisho.

Banaan baxan oo ay soo qaban qaabisay Shabakada Isku xirka dhalinyarada Soomaaliyed, Somali Youth Network (SYN) ayaa Dhallinyarada ka soo qeyb galay ku soo bandhigeen shucuurtooda ku aadan sida ay u doonayaan inay gacan uga geystaan isbedel ka dhaca dalka, taasi oo ay ku muujiyeen isku xirka loo baahan yahay in dhalinyarada ku kulmaan, iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ka tarjumaya doorka dhallinyarada.

“Dhallinyaradu waa tiirka Nabadda” ayaa ka mid ahaa halku dhigyada boorar fara badan oo ay wateen dhallinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo socod dheer ku soo maray Taaladii SYL ilaa Daljirka Dahsoon, waxaana ay isugu soo uruureen Xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay banaan bax.

Xubnaha Mas’uuliyiinta ka qeyb galay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Prof. Dhalxa, Guddoomiye K/Xigeenka G/Banaadir Warsame Joodax, Gudoomiyeyaasha degmooyinka Wardhiigley, Xamar Jajab, Howl-wadaag iyo Taliyaha Ciidamada Booliska qeybta Bartamaha Col. Garaad Nuur Cabdulle.

Guddoomiye K/Xigeenka maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa halkaasi khudbad qiimo leh ka jeediyay waxaa uu ugu horeyntii u mahad celiyay madaxda iyo maamulka Shabakadda Isku xirka dhalinyarada Soomaaliyed ee SYN , isagoo ka mahad celiyay abaabulka ballaaran oo ay u sameysay dhallinyarada Soomaaliyeed kuna baraarujisay inay soo celiyaan doorkooda ku aadan horumarka dalka.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaa madaxda ka soo qeyb gashay kulanka ayaa dhallinyaradii isu soo baxa ka qeyb qaadatay waxaa uu ku booriyay inay u istaagaan sidii dalka iyo dadka loo badbaadin lahaa, isagoo ku gubaabiyay inay ka hortagaan kuwa la damacsan inay dabka ku shitaan isla markaana miinooyinka iyo qaraxyada u adeegsadaan, si ay dano siyaasadeed ku fushadaan.

“Ma isweydiiseen dhallinyarada waxay u dhimanayaan iyo midka ay dilayaan waxa ay u dilayaan?” ayuu isweydiiyay Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo intaa ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed kuwooda maangaabka ah loo adeegsanayo wax kasta oo khatar ku ah naftooda iyo nafta qof aan waxba galabsan.

Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in shabakadda Isku xirka dhalinyarada ee SYN abaabulkeedu ka tarjumayo mid soo celinaya kaalinta dhallinyarada, wuxuuna sheegay in dhallinyarada ay astaan u yihiin wadan kasta hadba heerka uu marayo, isagoona ku gubaabiyay Shabakadda SYN inay kordhiso dadaalkeeda ku aadan horumarinta dhallinyarada.

Guddoomiyaha Shabakadda isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed SYN Md. Liibaan Xaaji Ibraahim ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay, gaar ahaan qorshaha ay la damacsan yihiin dhallinyarada in xilligan looga samata bixiyo dhibaatada dalka ka taagan.

“Waxaan halkaan ka caddeynayaa in Shabakadda isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ay xooga saari doonto sidii dhallinyarada looga qaadi lahaa caqabadaha ku hor gudban oo u diiday inay hormuud u noqdaan aayaha dalkooda, isla markaana helaan fursado kor u qaadaya aqoontooda” ayuu yiri Guddoomiye Liibaan.

Mar uu ka hadlay ujeedada shabakada isku xirka dhalinyarada Soomaaliyed ay tiigsaneyso ayuu sheegay inay ka shaqeynayso mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed isla markaana kuwa dhibaatada u geysanaya dalka ay yihiin Soomaali, wuxuuna sheegay inay u midoobayaan dhallinyarada Soomaaliyeed sidii ay wadankooda uga saari lahaayeen dhibaatada 21-sano jirsatay.

Gudoomiyaha Xiriirka K/cagta Soomaaliyed Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaambe) ayaa sheegay markii uu arkay isu soo baxa dhalinyaradan uu u qaatay inay Kubada Cagta soo laabatay, hase ahaatee uu ogaaday in Kubada Cagta iyo SYN ay walaalo yihiin, waxaana uu ka mahad celiyay abaabulkan ballaaran ee ay sameysay.

Jawaahir Baarqab oo ka mid ah haweenka Qurba-joogta ayaa sheegtay in isu soo baxan uu yahay kii ugu weynaa ee ay ka qeyb gasho, isla markaana diyaar u tahay sidii doorka dhalinyarada loo soo celin lahaa, maadaama ay madaxdii berrito yihiin.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo isu soo baxan dhalinyarada ay sameeyeen, waxaana uu tilmaamay in isu soo baxan noocaan oo kale ah inuu dib u soo laabanayo doorka dhalinyarada, isla markaana ay muujineyso sida dhalinyarada ay u noqon lahaayeen kuwo ka shaqeeya horumarka iyo nabada dalka

Ugu dambeyn isu soo baxan nabadeed ee ay ka qeyb galeen in ka badan 500-dhalinyaro ayaa noqonaya kii u horeeyay ee sanadkan lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu muujiyo doorka dhalinyarada ee ku wajahan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo nabada dalka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.