Sawiro:Banaan-bax maanta Muqdisho ka dhacay

Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee Muqdisho, banaan-baxaan maanta ayay dadka reer Muqdisho ku muujinayeen sida ay u taageersanyihiin Fashilkaku yimid Mooshin ay wadeen Xilibaano katirsan golaha baarlamaanka, kuwaasoo doonayay ineey daaqada ka saaraan Xukuumada Ra’iisul wasaarec Saacid.

Shacabka dibadbaxa dhigayey ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku taageersan yihiin xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon,waxayna sidoo kale ku dhawaaqayeen ereyo ay ku nmuujinayaan dareenkooda ku saabsan sida ay usoo dhawaynayaan ka noqoshadii Mooshinkii laga keenay xukuumadda.

Banaan baxaan ayaa waxaa ka qayb galay qaar katirsan masuuliyiinta gobolka Banaadir, kuwaasoo hadalo u jeediyay dadweynaha isu soo baxay.

Xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa isne sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay iskugu soo bexeen si ay u muujiyaan dareenkooda ku aaddan sida ay ula dhacsan yihiin dadaalada bilowga ah ee ay wado xukuumadda dalka ee uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Doraad ayay ahayd markii ay dadweyne farabadan oo isu soo baxay ay banaan bax weyn ka dhigeen Muqdisho, kuwaasoo ka careysnaa Mooshinka ay wadeen Xilibaanada qaar, waxana dad weynihii isu soo baxay ay wateen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay kamid yihiin “Mooshin keene iyo Miino aase waa isugu keen mid”.

Shalay ayay ahayd markii ay magaalada Muqdisho kulan ku yeesheen baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ujeedkiisu ahaa in Mooshin loo qaado Xukuumada Saacid, balse gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa sheegay inuu baaqday Mooshinkaas, kadib markii ay isaga laabteen Xilibaano farabadan oo markii hore Mooshinka waday.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here