Banaan bax lagu taageeray Murashax Xasan Sheekh oo Muqdisho ka dhacay

Boqlaal qof ayaa maanta isugu soo baxay qeybo ka mid ah wadooyinka magaaladda Muqdisho kuwaasi oo si weyn u tageerayey murashaxa u taagan xilka madatinimadda Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadkaan taageerada u ah Prof: Xasan Sheekh ayaa ku qeylinayey erayo ay ka mid yihiin hala doorto Mudana Xasan Sheekh iyagoona muujinayey sida uu aqoon yahaykaan u mudan yahay in uu dalkaan hogaamiyo, waxaana ay wateen sawirrada murashaxa.

Meelaha dadkaan ay isu soo baxeen ayaa waxaa ka mid ahaa Isgooyska Debka , Isgooyska Fiat, kan Siinaay iyo Sayid ee magaalada Muqdisho , waxaana sidoo kale banaanbaxayaasha barbar socday gaadiid fara badan oo qaarkood ay ku xirnaayeen codbaahiyayaal iyo sawiradda murashaxa.

Dadka qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu yahay nin aqoon yahay ah oo dalka xog ogaal u ah islamarkaana wax badan u soo qabtay shacabka Soomaaliyeed sida hormarinta waxbarashadda iyo arimaha bulshadda.

Dhanka kale Xaflad si heer sare loo soo agaasimay islamarkaana ay ka qeyb galeen inta badan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku noo dalka Ingariiska ayaa xalay lagu qabtay magaaladda London, waxaana dhammaan dadkii ka soo qeyb galay ay tageero xoog leh u muujiyeen murashaxa.

Xaflada waxaa ka hadlay dad si weyn loo ka yaqaano dalka Ingariiska gaar ahaan Soomaalida dalkaasi, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen DR Abuukar Cadaani, Caaqil Cali Maxamuud , Bile Cadaan Qeylshoow, Eng siciid Cali Madoow ,Gudoomiyaha haweenka ee UK Maama xaliima Maxamed Xalane, Ruqiya Yalaxoow , Qaali Maxamuud Sheekh, Khadija Baraxood ,Xaliimo Cumar Culusoow iyo dad kale .

Murashaxa lagu taageerayey Xaflada Mudane Xasan Sheekh oo qadka taleefanka uga qeyb galay isagoo jooga magaaladda Muqdisho ayaa aad ugu mahad celiyey dadkii xaflada soo qaban qaabiyey isagoona ugu baaqay qurbo joogta in ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay u maalgashadaan , waxa uuna u balan qaaday haddii uu ku guuleeysto xilka Madaxtinimadda Soomaaliya in uu ahmiyad sii doono qurbo joogta Soomaaliyeed.

Murashax Xasan Sheekh oo ka mid ah murashaxiinta ugu dhow dhow in ay ku guuleeystaan doorashadda madaxtinimadda ee la filayo in ay qabsoonto 20 Agoosto ayaa lagu shegayaa in uu yahay nin xog u gaal u ah xaaladda dalka islamarkaana ay ka go’an tahay midnimadda , soo nooleeynta adeegyadda aasaasiga u ah bulshadda iyo horumrinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here