Banaan Bax Ka Dhacay Ceelasha Biya Lagu Diidan Yahay Maamul Aan Degaanka Aheyn

Dibedbax ayaa shlay waxaa uu ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye. Dibad baxan ka dhacay gudaha degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga soo horjeeday maamul dhawaan la sheegay in wasiirka arimaha gudaha ee Somalia uu u magacaabay Degaanka Lafoole.

Odayaal iyo waxgarad ka hadlay goobta dibad baxu ka dhacayey ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan maamulka halkaa loo magacaabay iyagoo sheegay inuusan matalin, qaab qalad ahna loo magacaabay. Waxgaradka halkaas ka hadlay ayaa intaa ku daray in maamulkan cusun uu yahay mid dusha looga keenay oo aan lagala tashan dadweynaha iyo waxgaradka degaanka Lafoole ku dhaqan. “Waxaan ka codsaneynaa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia inuu ka laabto maamulka uu u soo magacaabay degaanka Lafoole, uuna la tashado dadka degaanka ka hor inta uusan maamul kale soo magacaabin” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah odayaashii halkaas kla hadlay.



3 COMMENTS

  1. Waa laga tagay waqtigii laboobaayay hantida iyo dhulka aadan laheyn ee kuu illahey kusiiyay kuu iimaanso. Waa waxyaabihii sababay in soomaliya nabad noqonweyso boobka iyo dhaca. In qolo walbaa maamusho deegaankeeda waa sharciga ay ku dhisantahay dowlada aad leedahay hala taageero marka dowlada waa inay ayada kuu dhaqantaa nidaamka dalka u degan.
    Iska ilowa nidaamkii 20ka sano ee ku saleysanaa duulaanka iyo boobka. Caqliga saliimka hashaqeeyo hadii wacdaan cadaado rabo inuu maamulo aad aragto ii soo sheeg balanwaayo waa lagaa qabanaa. Hadii ay dowladanimada daacad nagatahay waa in laga shaqeeya cadaalada hadii kale xabada wey soconee ilaa yowmudiin

    Salaam.

  2. Waa qalad in dad waxmagarata ah eey ka hor yimaadaan amarka Dowlada. Dadku waa in eey aaminaan Dowlada. Waxaa kaloo qalad ah, in la yiraahdo beel amaba qabiil hebel ayaa magaalo hebel amaba gobol hebel iska leh. Ma warqad shati ah, oo suber looga ah ayeey heeystaan oo leh, reer hebel ayaa meeshaas iska leh? Waxaani waa figrad gabow ah, oo jaahilnimo ah. Waxaana rumeeya dad waxmagarato ah, oo “loser” ah. Magaalo waxeey magaalo ku tahay, oo sheegan kara qof kasta oo dagan, qaasatan dadka ganacisiga, guryaha iyo business ku leh. Qaasatan waxaa sheegan kara kuwa hor marinaya. Somalida waxeey u baahanyihiin in eey ka koraan u fikirka sida “baboon” amaba daanyeerka oo kale.
    God bless Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here