Banaadir Sports Club oo la soo wareegtay cayaartoy ajaaniib ah

hd_Q3164Sida uu caawa u sheegay guddoomiyaha kooxda Banaadir Sports Club Idaacadda GaolFM ee magaalada Muqdisho, waxa ay la soo wareegeen seddax cayaartoy oo Kenyan ah, kuwaasoo ka qayb qaadan doona horiyaalka 36-aad ee dalka Soomaaliya.

Abuukar Maxamed Sheekh, guddoomiyaha kooxda Banaadir Sports Club,ayaa sheegay in seddaxdan cayaartoy ay ka cayaaraan dhinaca goolka, difaaca iyo weerarka.

Wuxuuna sheegay in ay la soo shir tagi doonan horiyaalka Seria A-da ee dalka oo sannadkan lagu qabanayo garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Saadaq Maxamed Cabduqaadir (Saadaq Boletelli) oo dhawaan ku biiray koox heerka koobaad oo ka dhisan dalka Kenya.

Si kastaba, dhowr jeer oo horre ayaa dib u dhac uu ku yimid horiyaalka dalka Soomaaliya oo sannadkan wata xiisad iyo xamaasad gooni ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here