Banaadir SC iyo Horseed oo galabta ku ballansan Horiyaalka Soomaaliya

DSC05202

Waxaa galabta oo Isniin ah ka dhacaya garoonka KOONIS ee Magaalada Muqdisho, cayaar aad u xiiso badan, taasoo dhexmareysa kooxaha Banaadir Sports Club iyo kooxda Horseed.

Waa kulankoodii labad kooxahan oo ay cayaaraan horiyaalka heerka koobaad ee dalka Soomaaliya.

Kooxda Banaadir waxa ay kulankii kan ka horeeyay ay ka soo badisay kooxda horiyaalka difaacanaysa ee Elman, halka kooxda Horseed ay guul daro kala kulantay kooxda LLPP Jeenyo.

Waxaa la filayaa cayaarta in ay soo buux dhaafiyaan dadweyn aad u fara badan, kuwaasoo jecel cayaarta kubadda cagta ee dalka Soomaaliya.

Natiijada cayaarta waxaad kala socon kartaan Bogga Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here