Banaadir SC 2 Horseed 0

koonis1Waxaa goordhow ku soo dhammaaday garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho cayaar ka tirsan horiyaalka kubbada cagta Soomaaliya heerka koowaad.

Cayaarta waxa ay dhex martay kooxaha Banaadir Sports Club iyo Horseed, waxaana xilliga loogu talagalay ay ku dhammaatay 2 iyo 0 oo ay ku adkaatay kooxda Banaadir.

Qaybtii koowaad cayaarta waxa ay labada koox ay ku kala nasteen 0 iyo 0 oo wax goolal ah iskama dhalin, balse markii dib la isugu soo laabtay ayaa Banaadir ay dhalisay labo gool oo degdeg ah.

Kooxda Banaadir ayaa sii seeta dheeratay dhibcaha ay ku hoggaamineyso horiyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya oo u ka dhexeyo siddeed koox.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here