Banaadir & Jeenyo oo barbardhac ku kala baxay

Banaadir & Jeenyo oo barbardhac ku kala baxay
Banaadir & Jeenyo oo barbardhac ku kala baxay

Waxaa goordhow soo dhammaatay cayaar ka tirsan horyaalka kubadda cagta Soomaaliy, taasoo dhex maraysay kooxaha Banaadir Sports Club iyo LLPP Jeenyo.

Cayaarta oo ka socotay garoonka Banaadir ee degmada Cabdulcasiis, waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0, oo barbardhac ayey ku kala tageen labada koox.

Labada koox ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiiso badan, waxaana ay iska lumeey fursado goolal loo fishay.

Banaadir iyo Jeenyo waa kooxaha ugu horreeya horyaalka waxaana ay ku kala jiraan kaalinta koowaad iyo labaad.

Horyaalka Soomaaliya ayaa hadda soo gaaray meel gabagabo ah, waxaana ka harsan dhowr kulan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here