Banaadir & Dekedda oo galabta isku dhagan

 

Banaadir & Dekedda oo galabta isku dhagan
Banaadir & Dekedda oo galabta isku dhagan

Kooxaha Banaadir Sports Club iyo Dekedda ayaa galabta oo Talaado ah ku ballansan kulan ka tirsan horiyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacaya garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay u soo daawasho tagaan dad aad u fara badan oo jecel kubadda cagta.

Labada koox ayaa lugtii horre ee horiyaalka ku soo kala baxay 4 iyo 2 oo ay ku adkaatay Banaadir oo ah kooxda hoggaanka u heysa horiyaalka.

Kooxda Dekedda ayaa ku jirta kaalinta shannaad ee kala horreynta horiyaalka.

Horiyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa hadda soo gaaray heerkii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa, waxaana koox kasta ay ku xisaabtameysaa, guul, guul-daro iyo barbardhac.

Natiijadan kulanka galabta ee Banaadir iyo Dekedda kala soco Bogga Midnimo.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here