((Banaadir bukaan socod aan bogsan))

nuurDalka soomaaliya markii ay ku dhufatay duufaantii wadatay burburka iyo qallalaasaha waxay si iskumida u cuuryaamisay dhamaan adeegyadii bulshada waxayna si siman u saamaysay gobbolada dalka oo dhan haba ugu darnaado’e gobollka banaadir magaaladisuna tahay muqdisho caasimada somaaliya.
waxaa jiray 10-kii sano ee ugu danbaysay gobollo badan oo ku talaabsanayay koboc dhaqsiya leh islamarkaana laga hirgelinayay mashaariic iyo nidaamyo ay ku kala badbaadaan dadyowga ku nool halkaa hase ahaatee taa badalkeeda bukaan socodka dawadiisa la waayay waa gobollka banaadir oo wali dhiigu ku daadanayo waxana isku badalay dhowr dhaqaatiir lakamana hayo warsugan dabiib mooyee.
Banaadir waxa lagu tabayaa oo ku maqan arday,suxufiyiin,culumaa’udiin,aqoonyahano,caruur,haween iyo madax ka tirsan dowlada oo ay ugu danbaysay aun xildhibaanad saado cali warsame oo maanta lagu dilay muqdisho inta badana dadkan barqo cad ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada mana jirto wali xal lagu hakinayo oo muuqda.

Banaadir waxa ku nool dad tiradoodu kor u dhaafayso sadax milyan waxana ku sugan ciidan kasocda midowga africa oo nabad ilaalin ah magaca howlgalkoodunayahay (amisom) oo ka badan toban kun dhamaantoodna waxay u muuqdan kuwa sheeda ka daawanaaya waxa dhacaaya.
doorka dowlada=madaxda dowladu cambaaraynta lama daahaan falka kadib shacabkuna kama daalaan balanqaadkooda.
Dowladu waxay samaysay isbadalo badan oo hogaanka hayadaha amaanka ah si xaalku isku badello laakiin waxaa xigay in madaxtooyadii dalka la weeraro arintuna ay u ekaato caalwaa.
Dadka ka faalooda arimaha amniga ayaa ku tilmaamay xaladaha amni xumo ee muqdishi qibrad xumo hogaanka amaanka ah iyo isbadalada badan ee laamaha amniga xaaladana ka dhigtay (cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawada lama gaarayo).
Doorka shacabka=bulshada oo ah kuwa kaalinta ugu buuran ka ciyaara nidaamka dowliga ah kala danbaynta iyo nabada ayaa shacabka banaadir la tilmaamay inaysan kasoo dhalaalin doorki ay mudnaayeen taasna ay xalada adkaysay.
Shacabka banaadir ayaa u eg kuwa la yaaban ruwaayad siyaasadeedka ka dhacaya muqdisho islamarkaana afkii juqa gabay dilalka iyo qaraxyada joogtada ahna waxay ka dhigeen kuwa hilmaamsiya kaalintii ay ku lahayeen dalka.
gobollka banaadir ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo xili uu kala xirnaa gobollka isku socodkiisa wallow taa laga guulaystay oo haatan layskugu socdaalo hadana wali waa bukaan socod aan bogsoon.
W/d: nuur shariif shaacir
Tel:004915212030808
Nuurdeeq143@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here