Banaadir 2 Dedkedda 1

Banaadir 2 Dedkedda 1
Banaadir 2 Dedkedda 1

Waxaa goordhow soo dhammaatay cayaar xiiso badan oo ka tirsan horiyaalka heerka koowaad ee dalka.

Cayaarta oo dhexmartay kooxaha Banaadir Sports Club iyo Dekedda, waxaana cayaartooda ay ku soo dhammaatay waqtigii loogu talagalay

Cayaarta oo xiiso badneed ayaa qaybtii horre waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0.

Markii dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad cayaarta, kooxda dekedda waxay heshay goolkii koowaad, siddaasna waxa ay cayaarta noqotay 1 iyo 0.

Kooxda Banaadir Sports Club oo taageerayaal fara badan galabta watay ayaa waxa ay dhalisay labo gool oo degdeg ah, taasna waxa ay wax ka badashay cayaata.

Xilligii loogu talagalay cayaarta waxa ay ku dhammaatay 2 iyo 1 oo ay ku adkaatay kooxda Banaadir.

Banaadir ayaa hadda seddax dhibcood ku hoggaamineysa horiyaalka oo waxa ay lee dahay 24-dhibcood.

Waxaa ku soo xigta Heegan oo leh 21-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here